Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaki geliyay in doorashada Soomalaiya ay ku dhici karto waqtigii loo qabtay.
Mr. Keating oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inaysan aqbali doonin khilaaf siyaasadeed kale inuu soo baxo xilligan gabaabsiga ah oo keentay dib u dhac doorasho.
Wuxuu sheegay in dib u dhaca ku yimid jadwalkii doorashada ay markii hore ahayd in hogaamiyeyaasha dhameystiraan nidaamka doorashada, wuxuuna saadaaliyay in bilaha soo socda ay doorashadu dhici karto.
Inkastoo uu ka digay wakiilka Q/Midoobay inaysan beesha Caalamka aqbali doonin dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada haddana wuxuu qabaa in ay jiitami karto ilaa dhammaadka sanadkan.
Goobjooge.com