Ergeyga gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nichlas Kay ayaa shalay booqday magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba, wuxuuna wadahadal la yeeshay hogaamiyaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe).
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba oo xumaaday kadib mooshinkii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay ee sharci darro ka dhigay baarlamaanka maamulka Jubba.
Kulankaas kadib oo Nicholas Kay uu saxaafada la hadlay ayuu sheegay inay isla soo qaadeen sidii loo hirgelin lahaa hiigsiga cusub ee 2016 oo la doonayo in dalka laga hirgeliyo doorashooyin dalka laga qabto.
Arrinta ugu muhiimsan ayaa ahayd iyadoo uu Ergayga Qaramada Midoobay uu waanwaan ka galay sidii loo yareyn lahaa xiisada ka dhex taagan maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka, wuxuuna soo jeediyay in shir ay Muqdisho isugu yimaadaan madaxda maamulada Soomaaliya Bisha July dhexdeeda si looga hadlo howlaha hiigsiga cusub iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay xal u hesho muranka ka taagan dhismaha baarlamaanka Juba, waxayna wararku sheegayaan in dowladda Federaalka ay dooneyso in shirka madaxda maamulada dalka dib loogu dhigo ilaa bisha August si markaas ka hor ay u suurtagasho in la doorto madaxweynaha maamulka cusub ee gobolada dhexe, ugana soo qeyb galo shirkaasi.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]