Sunday, July 20, 2025

Ergeyga Q/Midoobay oo sheegay xilliga la dooranayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Wakiilka ayaa sheeay inaysan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ku dhici karin Waqtigii hore loo qorsheeyay ee 20ka Novembar, wuxuuna intaasi ku daray in saadaashiisa ugu wanaagsan ay tahay in doorashada ay dhici karto 15-ka Decembar.

Isagoo wareysi siiyay Barnaamijka Focus on Africa ee BBC, ayuu sheegay in loo baahan yahay in la helo xildhibaanada ugu badan ee labada aqal, isla markaana la doorto gudoonka Baarlamaanka cusub oo waqti u baahan.

Guddiga Doorashada ayaa ka gaabsaday inuu waqti kale u qabto doorashada madaxweynaha kadib markii muddo saddex jeer ah oo ay ku fashilmeen in waqtiyadii hore loogu qabtay doorashada ay ku dhacdo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON