Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu soo dhamaaday dadaal loogu jiray in ergooyinka shirka Jowhar lagu celiyo shirka, kadib markii ay ka dareereen shalay iyagoo ka cabanaya xuquuq la’aan.
Mas’uu’iliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha iyo IGAD ayaa shalay iyo xalay dadaal dheeraad ah ku bixiyay inay qanciyana ergooyinka oo intooda badan ay doonayeen in loo qoro lacag inta uu socdo shirkooda.
Waxaa lagu wadaa in maanta uu dib u furmo shirkii shalay fashilmay, waxaana ergooyinka laga doonayaa inay ansixiyaan Dastuurka maamulkaasi, iyadoo markaas kadib la fasixi doono.
Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee labada gobol ayaa intooda badan la soo xulay, waxaana weli socda xalinta xubno la isku heysto.
Goobjooge.com