Monday, July 14, 2025

Faadumo Dayib oo si lama filaan ah uga hartay tartanka Doorashada Madaxweynaha

Haweeneyda Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ee sanad ka hor shaaciyay inay xilka u tartameyso ayaa shaacisay inay ka baxday tartanka.

Haweeneydan Faadumo Dayib oo markii horeba musharaxnimadeeda ay ku taagneyd saxaafadda dibadda ayaa Wargeyska Washington Post u sheegay iyadoo Nairobi joogta inay si weyn uga naxday go’aankii dib loogu dhigay doorashada iyo heerka ay gaarsiisan tahay musuqmaasuqa Doorashada Soomaaliya.

fdayibWaxay sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin doorashada, heerka musuqa uu gaaray ayay caddeysay inuu gaaray wax laga naxo iyaduna aysan dooneyn inay sharciyeyso doorasho ku timid musuq.

Faadumo Dayib oo hore u sheegatay inay tahay haweeneydii ugu horeysay ee xil madaxweyne u  tartanta ayaa lagu qabsaday arrintan iyadoo sanadkii 2004 ay tartanka madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Kenya soo gashay Caasha Axmed Cabdalla.

Dad badan ayaa u arkayay musharaxnimda Faadumo Dayib inay tahay mid ku kooban warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo aan wax tallaabo ay u qaadin inay noqoto musharax dhab ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON