Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay weerarkii Alshabaab kusoo qaaday saaka degmada Aw-dheegle ee Gobolka Sh/Hoose, kaasoo qasaare weyn iyo jab ay kala kulmeen.
Weerarka oo markii hor ku bilowday qaraxyo Alshabaab iyo weerar toos ah ayaa waxaa ku xigay dagaal culus oo dhex maray ciidamada Gorgor iyo 14-ka Oktoobar ee Milateriga Soomaliya, waxaan dagaalka oo ahaa mid culus lagu jebiyay maleeshiyadii Alshabaab.
Saacad kadib waxaa gurmad u tegay goobta dagaalka ciidamo gorgor ah, waxaana xigay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday Shabaabkii soo weeraray Aw-dheegle, iyadoo ugu danbeyn qasaaraha Alshabaab uu ku dhw yahay 100 dhimasho ah.
Maleeshiyada Alshabaab oo ay dileen ciidamada, qaar ay ku dhacday duqeyn iyo meydad kale oo qaraxyo ku xirnaa ku dhintay ayaa daadsan beeraha cambaha ee ku yaala duleedka Koonfureed ee degmada.
Taliyaha guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka iyo Taliyaha guutada 17-aad ee Gorgor oo shir jaraa’id ku qabtay Aw-dheege ayaa soo bandhigay meydadka Shabaabka faraha badan ee lagu dilay weerarkii Aw-dheegle oo ay ku dhintaan ilaa 100.