Faafhaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari Dadweyne oo ku qarxay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Gaariga ayaa qaraxa ku qabsaday ayaa ka yimid Afgooye isagoo ku socday degmada Balcad, waxaana uu ahaa Gaari HOMEY kuwa dadweynaha ah oo ay la socdeen dad u badan Haween beeraley ah.
Lix qof oo saarnaa gaariga ayaa dhammaantood ku dhintay Miino jidka ay geliyeen kooxda Alshabaab oo ku qaraxday gaariga, waxaana qaraxa ku bas beelay gaarigii BL-ka ahaa.
Dadka ku geeriyooday qaraxa ayaa afar ka mida ahaa 4 haween ah iyo 2 rag ah oo kala ah darawalka iyo Kirishbooyga, mana jirin cid ku dhaawacantay, waxayna dadkii ku dhintay gaariga ay noqdeen kuwo si weyn uu jirkooda ugu go’go’ay qaraxa.
DEGDEG: Miino ku qaraxday Gaari dad shacab ah saarnaayeen & Qasaare badan oo ka dhashay