Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen kooxda Kubadda Cagta ee Elman.
Ciidamo ku sugnaa inta u dhaxeysa degaanka Callamada iyo Xaawo-Cabdi ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen gaariga oo darawalkii waday uu joojin waayay, taasoo keentay qasaare kala duwan.
Macalinkii Yuusuf Xeydar Cali kooxda ayaa la sheegay in uu ku dhintay weerarka iyadoo laba ciyaaryahan ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo magacyadooda lagu kala sheegay C/llaahi Maxamed Mayow iyo Cuamr Muumin Daahir.
Kooxdan ayaa ku sii jeeday degmada Afgooye markii rasaasta lagu furay, waxayna kasoo qeyb gashay cayaar saaxiibtinimo, Dhaawacyada ayaa caawala geeyay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo qalliin lagu sameynayo.
Kabtanka kooxda ELMAN Xasan Cali Rooble ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in dhaawacyada labada ciyaartoy ay halis yihiin, iyadoo C/llaahi Mayow qalliin lagu sameynayo ilkahana ay ka burbureen, Ishana uu dhaawac kasoo gaaray.
Goobjooge.com