Wednesday, June 25, 2025

Faafhaahin laga helay Sarkaalkii ajnabiga ahaa ee lagu dilay weerarkii Halgan

Sarkaal ajnabi ah oo ka mid ahaa xubnaha fara ku tiriska ah ee weli ka tirsan Alshabaab laguna dilay dagaalkii Halgan ayaa waxaa soo baxaya faafhaahin ku saabsan halka uu ka soo jeedo.

Dagaalyahanka ajnabiga ah ee meydkiisa laga helay  goobta dagaalka ayaa la sheegay  inuu yahay dagaalame jihaad doon ah uu u dhashay dalka Masar, laguna magacaabo Khattab Al-Masri.

Ninkan wuxuu muddo badan ka tirsanaa kooxda muhaajiriinta ee Alshabaab, waxaana ugu  danbeyntii uu ku dhintay weerarkii xerada ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan ay ku qaadeen Alshabaab.

Waxa la aaminsan yahay inuu Khattab Al-Masri yahay meydka dhulka yaalay oo ka soo muuqday sawiro 10 Juunyo laga soo qaaday deegaanka halkan oo 300 dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON