Thursday, June 26, 2025

Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan Diyaaradda Daallo ee dabka ku qabsaday Hawada Muqdisho

Duhurnimadii Maanta ayaa Diyaarad u kireyneyd Shirkadda Diyaaradaha Daallo waxay si degdeg ah ugu soo laabatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee ay ka duushay daqiiqado kooban gudahood markii uu dab qabsaday Diyaaradda.

Faahfaahin diyaaradda

Nooca Diyaaradda    :  AirBus 321

Rakaabka                     :  74 Qof

Ka timid                       : Sacuudiga

Soo martay                  : Jabuuti 

Waxay keentay            : 14 qof oo rakaab tarxiil ah

Waxay Timid               : Adan Adde. Muqdisho saaka

Ku socotay                  : Jabuuti

Dadka ay siday diyaaradda Daallo inta aanu dabka qabsan waxay ahaayeen 74 qof oo rakaab ahaa, kuwaas oo 70 ka mida ay u diiwaan gashanaayeen Sharikadda Turkish Airlined oo la sheegay  inay saaka u  baaqatay cabsi dhinaca Cimillada iyo Dabeylaha badan ee ka jira Muqdisho, taasina ma cadda weli.

Wasiirka Wasaaradda Duulista ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Jaamac Jangeli ayaa sheegay in diyaaraddu ay laba Qof ku dhaawacmeen, inta kalena si nabad ah looga dejiyay. Wuxuuna intaasi ku daray baaritaan in lagu sameynayo doono xaaladda diyaaradda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON