Wararka laga helayo gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya inuu caawa dagaal xoog leh ka socda degaano ka tirsan Gobolka.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay weerar xoog leh ku soo qaadeen dhinac xeebta Gandershe iyadoo soo weeraray No. 50 iyo Ceelwareegow, waxaana uu dagaalku ku bilowday kadib markii dhinaca xeebta siiba degaanada Buushka, Saliile, Baladu-leyl.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab, waxaana uu bilowday kadib salaadii casir iyadoo la isku habeensaday sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka K/Galbeed ee Shabeelada Hoose.
Lama oga qasaaraha dagaalkaasi geystay, waxayna Alshabaab oo la sheegay inay gaarayeen 150 dabley ah oo si weyn u hubeysan ay si kedis ah u qabsadeen dhowr tuulo inta uusan dagaalku bilaaban.
Goobjooge.com