Weerarkii uu qaaday nin ku hubeysan oo Soomaali ah, kana dhacay suuqa weyn ee St. Cloud, magaalada Minnesota ayaa la sheegay inuu ahaa fal argagixiso.
Sida uu sheegay taliyaha Booliska degaankaasi William Blair Anderson waxaa nin toogtay sarkaal boolis ah, isagoo ku lebisnaa dareys hay’ada amniga qaabilsan, wuxuuna dadkii uu Tooreyda ku weeraray weydiinayay inay muslim yihiin iyo in kale.
FBI iyo kooxda qaabilsan argagixisada Mareykanka ayaa baaraya xiriiradii uu ninka weerarka geystay ku lahaa telefoonada iyo baraha bulshada, kadib markii Daacish ay sheegatay weerarka.
Inkastoo hay’adaha ammaanka Mareykanka aysan si rasmi ah u shaacin ninka weerarka qaaday, haddana aabaha dhalay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay lagu magacaabo Daahir Axmed Aden oo 22 sano jir ah, isla markaana dhigta Jaamacadda St. Cloud Technical and Community College.
Wareysi uu bixiyay wiilkan aabihiis Axmed Aadan oo laga tarjumayay ayuu ku sheegay inuu wiilkiisa ku dhashay Afrika, kadibna muddo 15 sano ah uu ku noolaa Mareykanka. Wuxuuna intaas ku daray inuusan ku ogeyn xiriir uu la leeyaya ururo argagixiso.
Baaritaan xoog leh ayaa lagu sameeyay gurigii uu ku noolaa Daahir iyo reerkiisa, waxayna ciidamada FBI-da ka qaateen agab uu lahaa wiilka la dilay iyo sawirro.
Goobjooge.com