Monday, June 23, 2025

Faahfaahin: Alshabaab oo sheegatay Weerar 10 Kenyan lagu dilay oo ka dhacay Wajeer & Wararkii ugu danbeeyay..

Al-shabaab ayaa sheegatay weerar lagu qaaday Bas dadka qaada oo isaga gooshayey egaano ka tisan magaalooyinka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka ayaa lagu qaday Bas ka mida gaadiidka dadweynaha oo ka dhex shaqeeya degaanada Kutulo iyo Wargaduud ee magaalada Wajeer, waxaana booliska Kenya oo xaqiijiyey in koox maleeshiyo oo Alshabab ay weerarkaasi geysteen. Wararkii ugu danbeeyy ayaa sheegaya in baska ay saarnaayeen 18 qof oo 8 ka mida ay Alshabaab dileen.

Dhinaca kale War kasoo baxay taliska ciidanka Al-shabaabul ayaa lagu sheegay inay weerarkasi geysteen maleeshiyada Xarakada, uun ahaa mid lagu guulaystay lagu qaaday gaari Bas ah oo ay la socdeen dad Kiristaan Kenyaati ah xilli uu ku socdaalayay deegaanka Kutulo oo katirsan gobolka Wajeer.

Al-shabaab waxay sheegtay inay weerarka ku dishay ugu yaraan 10 qof oo Kenyaan, waxayna intaas ku dartay inay ciidamadeeda wadadda u galeen Gaari ka yimid magaalada Nairobi kunasii jeeday degmada Mandheera, ayna sii daayeen dadkii muslimiinta ahaa.

Taliyaha Booliska Wajeer Stephen Ng’etich ayaa sheegay inay goobta falka ka dhacay u direen ciidamo gaar ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON