Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin: Alshabab oo Weerar ku dishay Macalimiin Kenyan ah & Xarun Isgaarsiin oo lagu burburiyey Gaarisa.

Alshabaab ayaa weerar cusub ku qaaday degaanka Kamuthe ee Gaarisa, iyagoo halkaasi ku dilay saddex Macalin oo Kenyaan ah.

Weerarka oo saaka aroortii dhacday ayaa la sheegay inay Alshabaab ku burburiyeen xarunta Isgaarsiin oo Safaricom leedahay, waxayna weerar ku qaadeen saldhigga boolis oo ciidamada Kenya degaankaasi ku lahaayeen, waxayna Boolisak Kenya sheegeen inay qeyb ahaan burburtay xarunta shirkadda isgaarsiinta Safaricom.

Macalimiinta Kenyaanka ah ee lagu dilay weerarka saaka aroortii ay qaadeen Alshabaab ayaa lagu sheegay inay kasoo jeedaan gobollada kale ee Kenya.

Alshabaab ayaa xoojisay weerrarada ay ku qaadeyso degaanada Waqooyi Bari, Kenya oo hadda u muuqda inay joogto noqdeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON