Wararka laga helayo gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar culus oo rogaal celin ah ku soo qaaday degaano ka tirsan degmada Balcad oo dhowaan ay ka saareen ciidamada xoogga dalka.
Dagaalka oo weli socda ayaa ka dhacaya degaanada Alifow, Gaal-gube iyo duleedka Basra oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalka la sheegay inuu yahay midkii ugu xoog badnaa e eAlshabaab kadib dagaal kale oo dib loogu riixay toddobaadkan.
Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan xoogga dalka ayaa gaaray goobaha ay weerarka ku soo qaadeen Alshabaabm waxaana, iyadoo uu sii xoogeystay saacadihii ugu danbeeyay, waxayna dadka degaanka arkeyaan diyaarado qeyb ka ah dagaalka.
Qasaaraha laga dhinac ayaa la sheegay inuu sii kordhay, iyadoo dhimasho iyo dhaawac lasoo weriyay inuu geysta dagaalka.