Caruur fara badan ayaa ku geeriyootay roob xalay ka da’ ay magaalada Muqdisho, iyadoo tirada caruurtaasi warar kala duwan kasoo baxeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in caruurta geeriyootay ay dhan yihiin, laakiin Booliska ayaa xaqiijiyay in 7 carruur ah ay ku geeriyoodeen guri ku yaala Degmada Wadajir, degaanka Ceelqalow, kaddib markii ay Daadad ugu soo galeen gurigooda, kuwaasoo ka dhashay roobkii xalay ka da’ayay magaalada Muqdisho.
7-da carruurta ah ee guriga ku geeriyootay ayaa saddex ka mid ah waxa ay ahaayeen isku hooyo, labo waa ay wada dhasheen halka labada kale ay ahaayeen ka mid ahaayeen qaraabada reerka musiibada ku habsatay sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali.
Aabe Xasan C/llaahi Gacal ayaa shan ka mid ah caruurtiisa ka mid noqdeen kuwii ku dhintay Daadadkii roobka, iyadoo maanta lagu aasay Muadisho, waxaana aabaha la murugooday dad badan oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli wax war ah kasoo saarin, kana hadlin musiibada ka dhacay musiibada xafado ka mida degmada Wadajir.
