Faahfaahin dheerad ah ayaa ka soo baxday Dagaal ku bilooday qarax oo Alshabaab ay saaka la beegsaday Ciidamada AMISOM oo roondo ka waday degaanka u dhaxeey Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee duleedka Muqdisho.
Qaraxa kadib ayaa wararku sheegayaan inay rasaas xoog leh ay fureen ciidamada AMISOM, iyagoo wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay Qoriga RBG oo lala eegtay gaariga AMISOM, kadibna ay rasaas is weydaarsadeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab iyo AMISOM.
Warar aan la xaqiijin oo laga helayo degaanka Lafoole ayaa sheegaya in rasaas xoog leh oo ay is weydaarsadeen labada dhinac ay sababtay dhimashadadishay in ka badan 10 u badan Arday xilligaasi kasoo baxay dugsi ku yaalla deegaankaasi, iyagoo la kulmay rasaasta, tirada dhimashada is khilaafsan, waxaana maamulka degaankaasi laga soo xigtay in laba qof oo shacab ah kaliya ku dhinteen.
Tirada dhimashada ardayda iyo cidda riday rasaasta lagu dilay ayaaney kala caddeyn, laakiin dadka degaanka ayaa ciidamada AMISOM ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkaasi oo noqonaya kii ugu qasaaraha badnaa ee AMISOM ku lug yeelato oo dad shacab ah waxyeelo kasoo gaarto.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya weerarka ay ku dhinteen 3 kamida ciidamada AMISOM, laba macalin iyo qof waardiye ahaa, waxaa kaloo goobta lagu dilay 4 ka mida dagaalamyaashii Alshabaab.
Waxaa kaloo la xaqiijiyay in Jacfar Cali Daacad oo ahaa weriye iyo macalin uu ku dhintay rasaasta iyo dagaalka ka dhacday degaanka Lfoole ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Xaaladda degaanka Carbiska ee degaanka Lafoole ayaa qasan iyadoo wararku sheegayaan in jidka uu xiran yahay, isla markaana diyaarad helikobtar loo diray si ay u soo qaado dhaawacyada ciidamada AMISOM oo qasaare kasoo gaaray weerarkii ku qabsaday degaankasi.