Faahfaahin dhereaad ah ayaa laga helayaa howlgal ay ciidamada Danab ee kumaandooska Somaliya ka fuliyeen xarun maxkamad ah oo Alshabaab ku lahaayaan Gobolka Sh/Dhexe.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheega in ciidamada Danab ay howlgal ku qaadeen degaanka Warciise ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo u dhow magaalada Jowhar.
Howlgalka ayuu sheegay in lagu dilay 7 maleeshiyo oo ka tirsan ururka Al-shabaab, iyadoo lagu dhaawacay tiro kale. Waxaa kaloo lagu burburiyay Saldhigyadii iyo Xaruntii Maxkamad ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Warciise ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo laga soo furtay Hub iyo Gaari Hoomey ah.
Ma jiro wax Warr ah oo kasoo baxay dhinaca Alshabaab, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in degaanka WarCiise uu ka socdo howlgal ciidan oo ay ka wadaan ciidamada Danab.