Golaha Wasiirada Xukuumadda Xilgaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ansixiyey soo jeedin la sheegay inay ka timid Wasiirka sii haya xilka Wasaaradda Amniga oo ku saabsaneyd ansixinta Agaasimaha cusub ee NISA.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayey Golaha Wasiirada ansixiyeen inuu noqdo Taliyaha cusub ee Hay’adda NISA, iyadoo wareegtada magacaabidda Madaxweynaha la sugayo. Hay’addan oo xasaasi ah ayaa xilliyadii ugu danbeysay lagu eedeeyay falal ka baxsan dowladnimada iyo dano gaara.
Magacaabidda Mahad Salaad waxay ahayd mid la filayey, laakiin waxaa lama filaan ahayd in Madaxweynaha cusub uu la sugi waayey magacaabidda Raiisal wasaaraha iyo xukuumadda cusub, waxaana dood ka taagan tahay sida xukuumad xilgaarsiin ah ay madaxweyne cusub ugu ansixin karto magacaabidda agaaasimaha NISA.
Inkastoo hay’adda NISA ay xaalad adag ku jirtay sanadkii ugu danbeeyay iyo kadib markii xilka laga qaaday Fahad Yaasiin Septembar 2021, xilkeedna uu sii hayey agaasime KMG ah oo hadda xildhibaan noqday, haddana tallaabada Madaxweyne Xasan Sheekh qaaday waxay muujineysaa inay jirto xaalad degdeg ah oo keentay in magacaabidda Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadda cusub laga hor mariyo Taliyaha NISA.
Sharci ahaan ma muuqato in Xukuumad xilgaarsiin ah oo joogta xilli dalka doorasho ka dhacday oo Baarlamaan cusub iyo madaxweyne xilka la wareeegeen ay awood u leedahay ansixin taliyeyaal ciidan ama agaasimaha NISA.
Waxaa kaloo lama filaan kale ah inuu Madaxweyne Xasan Sheekh sharciyad ka raadiyo Golaha Wasiirada xilgaarsiinta oo uu hore u sheegay inaysan lahayd awood ka baxsan howlmaalmeedka xukuumadda.