Tuesday, July 1, 2025

Faahfaahin: Ciidamada Dowladda oo Garoonka Muqdisho ka qabtay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland

Wararka laga helayo Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ay ka qabteen Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Ciidamada Nabadsugidda ayaa xiray Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/Nuur [Janan] oo la sheegay inuu la socday diyaarad ku sii jeeday magaalada Addis ababa, isagoo sii maris [Transit] ku ahaa Garoonka magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan in lagu xiray goor dhoweyd xarunta dhexe ee NISA.

C/rashiid Janan ayaa hore Dacwad ay kusoo oogtay Xeer Ilaalinta, waxaana dacwadaasi ay shaacisay Maxkamadda Gobolka Banaadir in la joojiyay markii ay ka noqotay xeer ilaalinta, laakiin dacwado kale ayaa la sheegay in loo heysto.

Arrintan ayaa qeyb ka ah khilaafka weyn ee ka dhashay doorashada Jubbaland oo wasiirka maanta la xiray uu qeyb ka ahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay Dib u doorashada Axmed Madoobe oo wasiir C/rashiid Janan uu saaxiib la yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON