Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhexdooda dagaalamay iyo Askar la dilay

Iska hor imaad dhex maray ciidamada dowladda Somaaliya oo dhexdooda ku dagaalamay degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa lagu dilay aska dhowr ah.

Wararka laga helayo Mahadaay ayaa sheegaya in saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku geeriyoodeeny iska horimaadka ka dhacay Magaalada Mahadaay, kadib markii ay isku qabteen  lacag laga qaado ganacsatada Qaadka geysa Magaaladaasi, kadibna ay dagaalameen.

Ciidanka is fara saaray ayaa ku murmay qaabka ay u qaybsanayaan lacagta laga qaado ganacsatada Qaadka, waxaana taasi ay keentay in ciidamada dhexdooda ka dagaalamaan, saddexda askari ee ay iska dileen ka sokow ayaa la sheegay inuu jiro qasaare kale  dhaawacyo ah.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan dhexdooda is fara saara, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aanay jirin qaab ciidan rasmi ah, ayna ciidamada u badan yihin kuwo beeleed oo aan lahay dishilibiliin ciidan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON