Dab xoog leh ayaa saaka ka kacay xaafada Buula-xuubey ee Degmada Wadajir, siiba guri ku dhow suuqa Buuloxuubey, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Dabka ayaa la soo weriyay inuu ka kacay Guri Villa ah oo u dhow suuqa suuqa Buula-xuubey, waxaana halkaasi gaaray gaadiidka dab damiska oo si weyn ula tacaalay dabkaasi.
Gaadiidka Dab damiska Gobolka Banaadir ayaa daqiiqado kadib gaaray guriga dabka ka kacay, iyadoo dadka ka cabsi qabeen inuu ku faafo suuqa, waxaana suuragshay in dabkaasi la damiyo. Qasaare hanti u badan ayaa gaaray guriga, waxaana la sheegay inuu dabku ka dhashay koronto.
Maalmahan waxaa Muqdisho ku soo kordhay dhacdooyin ku saabsan gubasho iyo dab ka kacaya goobo ganacsi iyo guryo, iyadoo la xusuusto dabkii weynaa ee dhowaan baabi’yay suuqa Bakaaraha.
Goobjooge.com