Dab xoogl eh ayaa ka kacay saaka Kaalin Shidaal oo ku taalla degmada Hodon ee magaalada Mudqdisho, gaar ahaan kasoo horjeedka Isbitaalka Benadir.
Dabka oo aan la ogeyn waxa dhaliyey ayaa ayaa si xowli ah u xoogeystay, wuxuuna qasaare gaarsiiyey Kaalinta Shidaalka iyo Goobo Ganacsi oo ku dhowaa sida Farmashiye weyn oo deris la ahaa iyo dukaamo, iyadoo markii dambe ay halkaasi gaareen gaadidka dab damiska Shirkadda Hormuud iyo Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in qof uu dhaawac kasoo gaaray dabkaasi, waxaana weli socda dadaalka lagu daminayo dabkan oo saameyn ku yeeshey isu socodka dadka iyo gaadiidka Isgoyska Banaadir oo ka mida meelaha ugu mashquulka badan caasimadda.


