Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil culus oo caawa ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo Gaari xamuul oo weyn uu jiiray Kaalin shidaal iyo dadweyne iyo Gaadiid ku sugnaa Kaalin Shidaal.
Gaariga shilka geystay oo Gaari weyn oo xamuul nooca N3 iyo Rimoorkiisa oo siday alaab xamuul ah ayaa gudaha u galay kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska Howlwadaag, waxaana shilka ka dhashay qasaare isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.
Waxaa shilka ku dhintay dad fara badan oo la sheegay inay gaarayaan 9 qof, wuxuuna gaariga jiiray dad badan oo shacab ah iyo baabuurtii kaalinta shidaalka ku sugnaa, iyadoo isbitaallada la geeyay dhaawacyo fara badan.
Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Mustaf Kheyre ayaa sheegay in gaariga uu waday nin Kirishbooy ka ahaa, kadib markii uu xakameyn waayey Gaariguna uu farriin goostay uu dhaliyey shilkan naxdinta leh oo galaaftay gaadiid fara badan.
Shilkan oo ahaa kii ugu cuslaa ee dhowaanahan ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa geystay qasaare aad u culus oo naf iyo maalba leh, waxaana burburka goobta laag saaray laba meyd oo ugu danbeeyay oo kala ahaa qof haween ah iyo nin; iyadoo goobta ay gaareen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
