Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin: Dad lagu dilay Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Degmada Afgooye

Gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa lagu rasaaseeyay duleedka Degmada Afgooye, ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Weerarkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye, kadib markii darawalka gaariga uu diiday inuu u istaago Isbaaro cusub oo u tiilay koox dabley ah.

Rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay inay ku dhinteen saddex qof iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale oo ahaa dadkii shacabka ahaa ee la socday gaariga.

Meydadka saddexda ruux ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe kadib  la dhigay Afgooye oo ilaa saaka la raadinayo cid aqoonsata.

Isbaarooyinka yaalla degmooyinka ay gacanta ku heysto dowladda Soomaaliya ayaa ah kuwo fara badan, iyadoo xilli kasta ay sii kordhaan, waxaana qaarkood ay u yaallaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON