Shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay Qarax Miino oo saaka ka dhacay Suuq ku dhow xarunta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaari uu la socday mas’uul ka tirsan degmadaasi.
Dadka ku dhintay Qarax ayaa u badnaa haween, waxaana ku jiray hooyo iyo wiil yar oo ay dhashay; markii uu qaraxa haleelay Gaari uu leeyahay xoghayaha degmada Dayniile Mahad Sharaawe, kaasoo marayay meel suuq ah oo degmada ka tirsan, waxaana ka badbaaday mas’uulka la beegsaday.
Waa markii labaad ee la isku dayo xoghayaha degmada Dayniile Mahad Sharaawe, la khaarijiyo, waxaana qaraxa ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.
Alshabaab ayaa inta badan sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada Muqdisho, waxaana saaka oo kaliya degmada Deyniile kad hacay laba qarax.
