Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax lala beegsaday Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo qaraxa laga malqay xaafado ka mida caasimadda.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miino lala beegsaday Gaari nooca Toyota SURF ah, waxaana qaraxu ka dhacay agagaarka Jidka 21 Oktoobar, degamada Waaberi ee magaalada Muqdisho, Gaariga la beegsaday ayaa burbur xoog leh soo gaaray.
Qofkii watay gaariga la qarxiyey ayaa dhaawac culus kasoo gaaray, sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay, waxaana qaraxa sheegay Alshabaab oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay beegsadeen sarkaal ka tisanaa Hay’adda nabadsugidda oo magaciisa lagu soo gaabiyey Nuur.
Ciidamada Booliska ayaa bar koontrool ku leh agagaarka qaraxu ka dhacay, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir.