Gaari Miineysan ayaa goor dhoweyd lagu qarxiyey mas’uuliyiinta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kadib gurmad ay u sameeyeen guddoomiye waaxeed ka tirsan oo lagu dilay waaxda Shanaad ee degmadaasi.
Wararka hadda soo baxya ayaa sheegaya in dableydii dishay Guddoomiye waaxeedkii Siinka dheer ee degmada Kaxda Ibraahim Colow Cali ay halkaasi uga tageen Gaari miineysan, kadibna ay qarxiyeen markii ay goobtaasi gaareen mas’uuliyiinta degmada Kaxda oo gurmad u ahaa agaasime waaxeedka la dilay.
Mas’uuliyiinta la qarxiyey waxaa ka mida Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf iyo taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda degmada, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inuu qaraxu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Hal qof ayaa ku dhintay qarax gaariga, waxaan ku dhaawacmay 13 qof oo isugu jira askar iyo dad shacab ah. Taliyaha Nabadsugidda ee degmada Kaxda ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa, sidoo kalena askartii la socotay madaxda uu dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray, iyadoo guddoomiyaha degmada Kaxda uu ka badbaaday.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in qasaare badan uu jiro balse ay dib kasoo sheegi doonaan qasaaraha, iyadoo lagu qarxiyey Gaari ay meesha uga tageen dableyda.
