Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin: Gudoomiyaha Sh/Hoose oo ka badbaaday Qarax iyo Taliye ka tisan Danab oo lagu dhaawacay…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Danab.

Weerarka Qaraxa oo ka dhacay degaanka Tixsiile oo u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn ayaa loo adeegsaday miino ayaa haleelay Kolonyada ciidamada oo ay la socdeen gudoomiyaha Sh/Hoose C/qaadir Siidii iyo Taliyaha guutada lixaad ee ciidamada Danab Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beeryare).

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, iyadoo Wararka ayaa sheegaya ay soo saartay ku sheegtay inay ku dishay afar askari, kuna dhaawacday taliyaha ciidamada gaarka ah ee Danab. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka K/Galbeed iyo taliska Milateriga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay inuu qarax ka badbaaday guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, balse uu dhaawacyo fudud kasoo soo gaareen taliyaha Danab Gaashaanle Axmed Beeryare iyo saraakiil kale markii uu Gaarigii ay la socdeen uu la rogmaday, lamana soo werin wax dhimasho ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON