Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in qof dumar ah lagu dilay hoygeeda oo ku yaalla xaafadda Ceelka Cabid Shire ee magaalada Baydhaba.
Saraakiisha Ciidaamada Booliska magaalada Baydhaba ayaa sheegay in haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Caatika Ibraahin, iyadoo aan la helin ciddii dilkeeda ka danbeysay, waxayna dadka degaanka sheegeen inuu jiray khilaaf u dhaxeeyay iyada ninkeeda oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
Ciidamada Booliska Baydhabo ayaa la sheegay inay qabteen qof ay looga shakisan yahay dilka haweenaydaasi.