Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin ku saabsan Gaari miineysan oo ku Qarxay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax Gaari miineysan ka dhacay waaxda Horseed ee degmada Waaberi, Gobolka Banaadir.

Gaariga Qarxay ayaa noociisa ahaa kuwa raaxada ee SPACIO isagoo ku qarxay wadadda Via Liberia, agagaarka  Hotelka Maleyka. Qaraxa oo ahaa miinada lagu xiro gaariga ayaa ku qaraxday xilli uu goob la dhigto baabuurta yaallay, lamana soo werin wax qasaare ah oo ka dhashay marka laga reebo burburka gaariga iyo qof dhaawac aad u fudud soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Qarxay uu lahaa Askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda Qaranka ee NISA, kaasoo xilliga uu Qaraxa dhacay aan saarneyn. Waxa goobta qaraxa gaaray ciidmada amniga oo baaritaano ka sameeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON