Monday, July 7, 2025

Faahfaahin ku saabsan Gabadhii ka tirsaned Hay’adda WHO ee lagu dilay Muqdiso [Aroos ay isu diyaarineysay]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa gabadhii ka tirsaneyd shaqaalaha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo shalay lagu dilay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Maryan C/llaahi waxay aheyd shaqaaale  ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO waxayna ka shaqeynaysay qeybta Saadka ama Logistics-ka ee Tallaalka Dabeysha Gobollada Koofurta Soomaaliya.

Marxuumad Maryam ayaa la sheegay inay aheyd Gabar da’ yar oo caafimaadka baratay, iyadoo fadhigeedu ahaa magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay, halkaasoo ay ka soo safartay si Muqdisho uga adeegato.

Dadka ka mid ehelka Maryan ayaa sheegay inay Muqdisho u timid qabanqaabo ay ugu jirtay arooskeeda oo dhowaan dhici laha, si ay u iibsato alaab iyo agabkii kale ee arooska. balse dabley hubeysan ayaa shalay toogasho ku dishay xilli ay ku sugneyd suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON