Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Gantaal nooca blastic-ada ah oo Xuuthiyiinta Yeman ay maanta ku rideen magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga.
Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay inay ka hor tageen Gantaalka ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la soo werin wax qasaare ah oo geystay.
Dad ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay inay maqleen qarax, isla markaana waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaalka qiic iyo uuro hawada isku shareertay, inkastoo dowladda Sacuudiga aanay wax war ah kasoo saarin.
Gantaalka ayay kooxda Xuuthiyiinta sheegeen inay la beegsadeen Qasriga Boqortooyada laga xukumo ee Yamaama oo ku yaala magaalada Riyaad, waxyar ka hor xilligii la shaacin lahaa Miisaaniyadda Boqortooyada Sacuudiga oo caadiyan uu sheego Boqorka dalkaasi.
TV-ga Al-Masiira ee Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay Gantaal Plastic ah nooca Burkan 2 H ay ku rideen magaalada Riyaad, gaar ahaan dhanka Qasriga Yamaama oo ay ku shirsanaayeen madaxda Boqortooyada.
Gantaalkii noocan oo kale ahaa ee bishii hore ay Xuutiyiintu ku rideen garoonka Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad ayaa ku sigtay inuu burbur iyo qasaare xoog leh ka geysto garoonka.