Wararka laga shelayo Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Hirshabelle uu fal dil ah kula kacay xaaskiisa.
Ninka falka geystay ayaa ah Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo lagu magacaabo Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere), wuxuuna xalay rasaas ku furay xaaskiisa oo xaamilo ahayd Xaafadda Hanti wadaag ee magaalada Jowhar.
Waxay dadka degaanka xaqiijiyeen in xaaska mas’uulka ee la dilay lagu magacaabi jiray Jamiilo Sheekh Cali Ibraahin, wuxuuna dhowr xabadood uga dhuftay madaxa, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay dilka naxdinta leh.
Ciidamada Booliska ee magaalada Jowhar ayaa qabtay mas’uulka dilay xaaskiisa, iyadoo lagu xiray saldhigga Magaalada Jowhar.