Monday, June 23, 2025

Faahfaahin ku saabsan Meydad lasoo dhigay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya meydad lagu arkay xaafad ka tirsan degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Meydadkan ayaa lagu arkay agagaarka Masjidka Dabaqeynka ee degaankaasi oo lasoo dhigay xalay fiidkii, waxaana  lagu sheegay inay gaarayaan afar qof oo rag ah, waxayna ka xirnaayeen indhaha iyadoo madaxa laga toogtay, lama oga cidda dilkooda ka dambeysay iyo sababta loo dilay midna.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay raggan ka tirsanaayeen ciidamada dowladda, iyagoo watay gaari, kadibna weerar lagu qaaday oo halkaasina lagu dilay, gaarigoodiina laga qaaday, laakiin ma jirtocid xaqiijisay ama aqoonsatay, waxaan la tuhunsan yahay inay dilka raggan geysatay kooxda Alshabaab.

Ad

Meydadkan ayaa argagax ku abuuray dadka ku nool, iyadoo la aqoonsan waayey, waxaana socda baaritaan ku saabsan arrintooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON