Wararka laga helayo Magalada Baydhaba ayaa sheegaya in Caawa uu qarax ka dahcay magaalada oo ay ku sugan yihiin madaxda dowlada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafada Isha ee magaalada Baydhaba, wuxuuna qabsaday Mooto Bajaaj ay la socdeen laba nin oo la tuhunsan yahay inay walxaha qarxa iyagu wateen, wuxuuna dhaliyay inay ku dhintaan labadii qof ee Mootada la socday.
Ciidamada Amniga ayaa baaritaan ku haya mootada qaraxday iyo cidda qaraxa soo maleegtay, waxaana goobtaasi la geeyay ciidamo fara badan oo magaalada Baydhaba u jooga sugidda amniga madaxda dowladda Somalia.
Hay’adaha amniga magaalada Baydhaba ayaan wax faafhaahin ah ka bixin qaraxa galabta ka dhacay magaalada ee qasaaaraha geystay.