Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax la beegsaday Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa is-miidaan lagu dhuftay afka hore Hotelka, iyadoo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ah nooca NOAH.
Qaraxa ayaa qasaare weyn dhaliyay, waxaana wararka hordhaca ah aya sheegayaan inay ku dhinteen ugu yaraan 10Â qof, dhaawacuna ka badan yahay 15 kale. Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka oo xiray wadooyinka soo gala hoteelka.
Dadka dhintay waxaa ka mida wiilal Caseeyeyaal ah, dad maqaayad goobta u dhow ku jiray iyo dadweyne jidka marayay xilliga qaraxu dhacay.
Qaraxa lagu weeraray Hotelka ayaa ruxay caasimadda, waxaana laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka dambeeyay qarax kale oo isla maanta ka dhacay degmada Wadajir.
Goobjooge.com