Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xalay saqdii dhexe kadib ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Dabkan ayaa saameeyay qeybta Cabdalla Shidee, gaar ahaan qeybta kabaha ee u dhow Suuqa Sarifka, waxaana ku gubtay laba dhisme oo dabaq ah, iyadoo la xakameeyay dabka.
Dab damiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dabkaasi la tacaalayeen mido 5 saacadood ah, iyadoo markii danbe la damiyay. Ganacsatada suuqa ayaa sheegay in Dabkii xalay ay ku bas beeleen saddex xarun Ganacsi.
Laba ka mida shaqaalaha dab-damiska ayaa la sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen dabkii xalay ka kacay suuqa bakaaraha intii ay ku howlanaayeen ka hortagga faafidda dabka.
Suuqa Bakaaraha ayaa noqday meel uu si joogto ah ugu soo noqnoqdo dabka iyadoo sanadkan oo qura muddo 3 jeer ah dab kal duwan uu ka kacay.