Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee xalay saqdii dhexe kadib lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa la sheegay in lala beegsaday degaanka Xalane ee ku dhegan Garoonka iyadoo madaafiicda laga soo tuuray degaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM ayaa xaqiijiyay in saddex madfac lagu soo riday Xalane, wuxuuna intaas ku daray in midkood ku soo dhacay gudaha xerada Xalane oo fariisin u ah AMISOM.
Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay inaan wax qasaare ah soo gaarin ciidamada AMISOM, isla markaana aanay jirin cid kale oo wax ku noqotay madfacaasi.
Goobjooge.com