Koox hubeysan ayaa Maqribnimadii maanta toogasho ku dishay Weriye Cabdiwali Cali Online oo u shaqeyn jiray Warbaahinta Gudaha.
Dilka weriyaha oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa ka dhacay degmada Afgooye, kadib markii dabley ku hubeysan Bistoolado ay weerar ku qaadeen, waxaana uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaastii ay ku fureen dableyda markii la geeyay isbitaal ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha.
Allaha u naxariiste weriye Cabdiweli Cali Online ayaa la shaqeyn jiray Telefashinka Universal iyo Idaacadda Kulmiye oo uu uga soo warrami jiray Gobolka Shabeellaha Hoose.
Lama oga sababta loo dilay Wariyaha iyo cidda ka dambeysay dilkiisa markii ay baxsadeen kooxdii dilkiisa geysatay, waxaana baaritaan wada ciidamada amniga oo goobta dilka ka dhacay tegay.