Wednesday, July 16, 2025

Faahfaahin ku saabsan xaaladda Xildhibaankii saaka lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho

gurxan

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo saaka lagu dhaawacay ayaa la sheegay in xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, kadib markii dhaawac ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen dabley wadatay gaari nooca Carib ah isagoo ku sugan degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo ka mida guddiga arrimaha gudaha Baarlamaanka ayaa ku sii jeeday fadhiga Baarlamaanka. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Xildhibaanka ay rasaas ku fureen dabley watay gaari isla markaana ay goobta ka baxsadeen, wuxuuna intaa ku daray in xildhibaanka  dhaawaciisa aanu halis ahayn, qeybta degdega ahna uu ku jiro, balse aanay dhaqaatiirtu faahfaahin ka bixin xaaladiisa caafimaad.

Xildhibaan Daahir Jeesow wuxuu hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka Xildhibaanka lagu dhaawacay.

Xildhibaano badan ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib falal khaarijin ah oo intooda badan lagu eedeeyay kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON