Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin laga helay Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Bari

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday tuulooyinka Timirshe iyo Cameyra ee degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in duqeynta Jimcihii lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsaneyd urrrka Daacish xilligaasi halkaas u tegay inay Ceel ku yaalla togga Timirshe biyo ka qaataan, waxaana la sheegay in qasaare xoog leh loogu geystay duqeynta.

Lama hayo tirada maleeshiyada lagu dilay weerarka oo ay qaadeen diyaaradaha is-wada ee Mareykanka. Waxaana halkaasi ka taliya kooxda Daacish oo dhowaan uu dagaal ku dhex maray Alshabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyey beegsida kooxda Daacish ee saldhigeedu yahay Gobolka Bari, iyadoo 14-kii bishan April duqeyn kale lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Daacish ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON