Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin laga helay Weerarradii Alshabaab ku qaadeen Barriire iyo Aw-dheegle, (Sarkaal sare oo lagu dilay)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay weerar xoog leh oo Alshabaab saaka aroortii ka hor salaadii subax ku qaadeen ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda ee degaanka Bariiire iyo weerar kale oo ka dhacay degmada Aw-dheegle.

Weerarka ugu weyn oo ka dhacay xerada ciidamada ee Bariirre ayaa ku bilowday Gaari qarax ka buuxo oo is-miidaamin ah, waxaana xigay weerar saddex jiho ay uga soo qaadeen maleshiyada Alsahabaab, kaasoo saacado socday, qasaare badanna dhaliyay.

Wararka laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay qabsadeen saldhigga, kadib dagaal xoog leh oo ka dhacay, kadibna ay dib ula wareegeen ciidamo kale oo gurmad ah, waxaana lasoo weriyey qasaare soo gaaray ciidamada dowladda.

Alshabaab ayaa sheegtay inay 47 askari ku dishay weerarka Bariire, ayna ku qabsadeen Saanad iyo Gaadiid dagaal, halka ilo kala duwan ay sheegeen in ciidamada dowladda laga dilay ay gaarayaan in ka badan 15 askari.

Taliska ciidamada Milateriga ayaa dhinaciisa sheegtay guulo iyo inay weerarka Bariirre ay Alshabaab uga dileen horjoogayaal iyo maleeshiyo fara badan, ayna baacsadeen kuwii weerarrka soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee lagu dilay weerarkii Bariirre waaaka mida Dhamme C/rashiid Maxamed Nur oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamada Bariire.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal ku qaadeen Jannaale iyo degaanada Sabiid iyo Caanoole intii ay socdeen weerarrada Bariire iyo Awdheegle.

Alshabaab waxay kaloo Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa bartilmaameedsadeen gawaari kolonyo ah oo ku socday Bariire iyo Awdheegle, sida ay ilo kala duwan sheegeen. Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Lafoole.

Dagaalladan ayaa imanaya iyadoo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uu maanta shir hordhac ah uga furmay magaalada Muqdishu. Shirkan oo fool-ka-fool ah ayay ku sugan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dhammaan maamul goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON