Monday, June 23, 2025

Faahfaahin laga helay wiil Soomaali ah oo weerar ku qaaday Jaamacadda Ohio, Mareykanka (Sawirro)

Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa wiil Soomaali ah oo oo toogasho lagu dilay kadib markii uu weerar ku qaaday Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka.

Wiilkan ayaa lagu magacaabaa C/risaaq Cali Cartan, wuxuuna ahaa arday 18 sano jir ah oo qaxootinimo uga tegay Soomaaliya. Telefishanka CNN ayaa ka soo xigtay saraakiisha dembi baarista federaalka.

ohio6Saraakiisha Mareykanka ee magaalada Ohio ayaa sheegay in la dilay wiilkan ardayga ahaa kadib markii uu Toorey ku dhaawacay 9 ruux oo mid ka mida xaaladiisu liidato, isagoo markii hore gaari uu watay weerarka u adeegsaday isagoo ku jiiray dad badan oo Jaamacadda ku sugnaa.

Ad

Gaariga loo adeegsaday weerarka ayaa la sheegay inuu lahaa qof ka mida qoyska wiilka weerarka geystay. Ardayda Jaamacadda ayaa soo xitay qolalkooda iyadoo ku gooyay alaabo fara badan si aan loogu soo gelin.

C/risaaq ayaa la sheegay inuu si sharci ah ugu noolaa dalka Mareykanka ilaa 2014.  Madaxa bedqabka dadweynaha ee Gobolka Ohio Monica Moll ayaa caddeysay in qofka weerarka geystay oo hadda dhintay lagu magacaabo  Abdul Razak Ali Artan, waxayna intaas ku dartay inuu ka mid ahaa ardayda Jaamacadda.

DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -

ohio1ohio2ohio3ohio4ohio5

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON