Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay inay dishay Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaasoo ahaa madixii Amniyaadka ururkaasi howgal howlgal ka dhacay degaanka Kuunya-Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgalka lagu dilay waxaa qeyb ka ahaa Mareykanka, waxaana sarkaalkan lagu magacaabaa Macalin Daa’uud oo ku magac dheeraa Abuu Suheyb.
Ma jirto faahfaahin laga bixiyay qaabka dilku u dhacay, waxayse wararku sheegayaan in diyaaradaha datgaalka Mareykanka ay qeyb ka ahaayeen howlgalka.
Goobjooge.com