Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogasho ku dileen Guddoomiye kuxigeenkii hore degmada Boondheere Cali Hilowle (Cali dheere) oo u qaabilsanaa dhinaca Amniga iyo Siyaasada, kaasoo xilkaasi hayey 9 sano ka hor.
Laba nin oo Bistoolado ku hubeysanaa ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Boondheere, iyadoo ku dilay Isgoyska degmada Boondheere, waxayna si degdeg uga baxsadeen gooobta, kadib markii ay falkaasi fuliyeen.
Waxa halkaasi gaaray ciidamo amniga, laakiin ma jirto cid loo qabtay falkaasi khaarijinta ahaa, waxayna dadka degaanka sheegeen in xaafadda dilka ka dhacay, sidoo kale dhowaan lagu dilay shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya.
Marxuumka la dilay ayaa guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Boondheere waxa uu ahaa xilligii degmadaas uu guddoomiyaha ka ahaa Cabdullaahi Xirsi Wardheere (istakiin),isla markaana gobolka Banaadir uu maamulayay Maxamed Axmed nuur Tarsan.