Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta magaalada Ganacsiga Puntland laga helay meydad ay Baddu soo tuftay.
Meydadkan ayaa ahaa labo caruur ah oo laga helay xeebta magaalada Boosaaso, iyadoo caruurtaan la waayey dhowr maalmood, waxaana ehelooda raadinayeen iyadoo la sheegay inay Baddu hore u liqday.
Burhaan Ismaaciil oo ka mida waalidka caruurta ay Baddu liqday ayaa sheegay in caruurtan ay muddo raadinayeen, markii danbena lagu soo wargaliyay in laga helay meydkooda xeebta magaalada Boosaaso.
Dadka kaluumeysatada ah ee Boosaasa ayaa soo helay meydka caruurtan oo Badda dul sabeyneyneyay meel u dhow xeebta magaalada.