Friday, June 27, 2025

FAAHFAAHIN: NISA ma leedahay Ciidamo gaaraya 1500 sarkaal? [Akhri ilduufka Saxaafadda]

Warbaahinta Soomaalida ayaa faafiyay war ku saabsan in 1500 sarkaal oo ka tirsan ciiamada Hay’adda Nanadsugidda laga eryay shaqada.

Warkan ayaa laga soo xigtay website fadhigiisu yahay Kenya oo arrimo lala yaabo oo ka fog xaqiiqada faafiya muddooyinkan danbe (alleastafrica), kaasoo sheegaya in taliyaha ciidamada NISA uu shaqada ka eryay 1500 sarkaal oo uu ka mid yahay taliyihii NISA ee Gobolka Banaadir.

Waxaa wax lala yaabo ah in warbaahinta Soomaalida aysan iska hubin wax ay qorayaan oo xitaa xaqiiqada ka fog, isla markaana  ah war uu qof kasta fahmi karo inuusan sal lahayn, maadaama saraakiisha NISA iyo ciidameeda oo dhan ay gaareynin 500 qof.

Waxaa kaloo website-ka Kenyaanka ah uu qoray in taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir C/xakin Farey xilka looga qaaday arrimo ku saabsan awood qeybsiga beelaha, taasoo ah marin habaabin iyo been abuur sida uu sheegay weriyaha VOA-da Harun Macruf.

Saraakiil ka tirsan xafiisak Ra’iisal wasaaraha iyo saxafiyiin kala duwan ayaa qeybiyay warkan iyadoo aan iska eegin ama ugu yaraan u qaatay war  kulul, laakiin waa wax lala yaabo in war kasta oo luqad qalaad ku qoran saxaafadeenu markiinba ku fududaato iyagoo iska eegin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON