Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax gaari oo maanta ka dhacay Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa miino lagu soo xiray Gaari nooca NISSAN SURF ah, waxaana uu qarxay xilli uu gaariga yaallay kasoo horjeeda Hotel Safari ee Isgoyska Soope, iyadoo qaraaa uu ahaa mid culus, waxaana dhaawac kasoo gaaray haweeney ku sugneyd goobta qaraxa ka dhacay.
Ninka watay gaariga ayaa ka badbaaday qaraxa, isagoo aan xilligaasi saarneyn Gaariga, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowladda oo damiyey dab ka kacay Gaariga, waxayna halkaasi ka wateen Ninkii lahaa gaariga.
Qaraxa oo ahaa kii ugu horeeyay ee muddo bilo ah ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa isgoyska mashquulka badan ee Soobe ka dhigay goob lagu kala cararray, waxaana joogsaday isu socodkii dadka iyo gadiidka.