Sunday, July 27, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Bar Kontarool Afgooye iyo Qasaare ka dhashay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax loo adeegsaday Miino oo lagu qaaday Busteejada iyo barta ciidamada Baar Ismaaciil degmadada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Qaraxa ayaa geysta qasaare, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen Darawal Mooto iyo skari ka tirsan ciidamada Amniga, iyadoo ciidamada bartaasi ku sugan ay xiteen isu socodka, isla markaana ay baaritaan ka bilaabeen goobta, inkastoo aan lagu guuleysan in la qabto qofkii weerarka ka danbeeyay ee baxsaday.

Baar ismaaciil ayaa ah xarun ay ka baxaan Gaadiidka u kala goosha Gobolka Sh/hoose, waan goob mashquul badan oo dad badan isugu yimaadaan.

Alshabaab ayaa sii kordhisay weerarrada iyo qaraxyada ay ka fulineyso Gobollada Shabeellooyinka oo ciidamada dowladda ay howlgalo waaweyn ka wadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON